Real Madrid Mise Barcelona? Thiago Alcantara Oo Kooxdiisa Bayern Munich Ku War Celiyay In Uu Baxayo Oo Uu Waliba Spain Ku Laabanayo.

Xidiga xulka qaranka Spain iyo kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa si wayn uga farxiyay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo si wada jir ah ugu dagaalamayay in ay la soo saxiixdaan wuxuuna xidiga ree Spain maamulka kooxdiisa Bayern Munich ku war galiyay in uu baxayo oo uu waliba ku laabanayo dalkiisa Spain.

Thiago Alcantara ayaa ka mid ahaa carruurtii ka soo qalin jabisay xarunta caanka ah ee La Masia isaga oo Barcelona kooxda kowaad uga soo ciyaaray waqtigii Pep Guardiola laakiin markii uu boos joogto ah ka waayay isla markaana uu Guardiola la wareegay Bayern Munich ayuu Allianz Arena kula midoobay.

Wargayska Diario Sport ayaa shaaciyay in Thiago Alcantara uu doonayo in uu Camp Nou ku soo laabto kadib markii uu muddo shan sanadood ah ku soo qaatay kooxda Bayern Munich inkasta oo macalinka cusub ee Real Madrid ee Julen Lopetegui  uu isna ka doonayay Bernabeu.

Dhinaca kale wargayska Germany ka soo baxa ee Bild ayaa qoray in macalinka kooxda Bayern Munich ee Niko Kovac uu doonayo in uu tirada kooxdiisa soo yareeyo isla markaana Thiago uu ka mid yahay xidigaha aanu qorshihiisa ku darsanayn taas oo Thiago ku qasbaysa in uu Camp Nou ku soo laabto.

Kooxda Bayern Munich lafteeda ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay in ay dhegaysato dalabyada lagu doonayo Thiago Alcantara laakiin waxay doonaysaa in €70 milyan euros ay ku iibiso inkasta oo ay 27 sano jirkan ka soo bixisay 25 milyan euros sanadkii 2013 kii.

Iyada oo Barcelona si wayn suuqa ugu jirta saxiixa xidig khadka dhexe ah oo qorshaha Valverde door muhiim ah ku yeelan kara ayuu warkani sii dar dar galin karaa in ay Thiago Alcantara dib ugu soo celiso Camp Nou sidii ay horeba ugu samaysay xidigo kooxdeeda ka baxay oo ay soo dhawayn u samaysay.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiyada soo socda ayaa muhiim u noqon doona mustaqbalka Thiago Alcantara iyada oo la sheegay in macalinka Rea Madrid ee Lopetegui uu doonayo saxiixa Thiago oo uu xulka qaranka Spain kula soo shaqeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.