LAYAAB!!. Jamaahiirtii Xulka Qaranka England Ee Markii Xulkooda Laga Soo Reebay Koobkii Aduunka Ee Brazil 2014 Sii Saadaaliyay Shaxda Three Lions Ee Russia 2018 Oo La Shaaciyay.

In afar sano sida ay kubbada cagtu ay noqon karto aad saadaalisaa wax sahlan ma aha, waxaana taas sameeyay jamaahiirta xulka qaranka markii xulkoodu ceebta kala soo laabtay koobkii aduunka ee Brazil 2014 kii waxayna markaas soo doorteen shaxda ay rajaynayeen in Three Lions ay ku matali doonto koobka aduunka ee hadda ka socda Russia.

Xulka qaranka England ayaa koobkii aduunka ee Brazil waxay guuldaro kala kulmeen Italy waxaana xaalada ku sii xumeeyay Luis Suarez oo guuldaro baday kulankii xigay ee Urugay laakiin England ayaa shandadaheeda ka soo xidh xidhatay Brazil markii ay barbaro gool la’aan ah la galeen Costa Rica iyaga oo waliba heerkii groupyada ee koobka aduunka ku soo hadhay.

Markaas waxaa la qaaday codbixin ama afti dadwayne waxaana jamaahiirta murugaysnaa ee xulka qaranka England la waydiiyay in ay sii saadaaliyaan shaxda uu xulka qarankooda England ku ciyaari doono koobka aduunka ee Russia 2014 inkasta oo markaas ay afar sano ka hadhsanaayeen in koobkan la ciyaaro.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah ciyaartoy markaas ay jamaahiirta England u arkayeen mustaqbalkii kubbada cagta xulkoodu ayna hadda wax saamayn ah lahayn waxaana jira ciyaartoy aad u kooban oo shaxdii afar sano ka hor ay saadaaliyeen hadda ku soo bilaaban kara shaxda Southgate.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qaar ka mid ah saadaashii jamaahiirta England ee afar sano ka hor ay ku sii sheegeen in ay xulkooda ku matali doonaan Russia 2018 oo ay shaxda xulkooda ku soo bilaaban doonaan.

Saadaasha kowaad ee shaxdii jamaahiirta England ee afar sano ka hor iyo koobka aduunka ee Russia 2018

England XI: Joe Hart, Callum Chambers, Phil Jones, Gary Cahill, Luke Shaw, Jack Wilshere, Ross Barkley, Theo Walcott, Wayne Rooney and Daniel Sturridge.

Saadaasha labaad ee shaxdii jamaahiirta England ee afar sano ka hor iyo koobka aduunka ee Russia 2018

England XI:Joe Hart, Kyle Walker, Phil Jones, Steven Caulker, Luke Shaw, Nathaniel Chalobah, Jack Wilshere, Theo Walcott, Ross Barkley, Raheem Sterling and Daniel Sturridge.

Kaydka: Alex Oxlade-Chamberlain, Will Hughes, Nick Powell, Danny Welbeck, Jack Butland, Ravel Morrison, Callum Chambers and James Ward-Prowse, Jordan Henderson and Chris Smalling.

Saadaasha Saddexaad ee shaxdii jamaahiirta England ee afar sano ka hor iyo koobka aduunka ee Russia 2018

England XI: Joe Hart, Kyle Walker, Phil Jones, Steven Caulker, Luke Shaw, Raheem Sterling, Jack Wilshere, Ross Barkley, Andros Townsend, Daniel Sturridge and Wayne Rooney.

Saadaasha Afraad ee shaxdii jamaahiirta England ee afar sano ka hor iyo koobka aduunka ee Russia 2018

England XI: Joe Hart, Glen Johnson, Chris Smalling, Phil Jones, Danny Rose, Jordan Henderson, Tom Cleverley, Theo Walcott, Wayne Rooney, Alex Oxlade-Chamberlain and Daniel Sturridge.

Saadaasha Shanaad ee shaxdii jamaahiirta England ee afar sano ka hor iyo koobka aduunka ee Russia 2018

England XI: Fraser Forster, Kieran Gibbs, Steven Caulker, Gary Cahill, Luke Shaw, Jack Wilshere, Mark Noble, Theo Walcott, Will Hughes, Raheem Sterling and Daniel Sturridge.

Sida aad arki karto afar sano kubbada cagta wax badan ayay ku tahay waxaana cadayn kuugu filan in ugu dhawaan xidigaha shaxaha saadaashii 2014 ee jamaahiirta England ku soo baxay ay xataa gabi ahaanba ka maqan yihiin liiska xulka qarankooda hadda ku sugan Russia 2018.

Xidigaha ay magacyadoodu aad u soo noq-noqdeen waxaa ka mid ah Joe Hart,  Jack Wilshere, Theo Walcott iyo Daniel Sturridge kuwaas oo aan gabi ahaanba Three lions ugu soo bixin liiska 23ka xidig ee Russia u duulay.

Laakiin sidoo kale waxay ahayd wax aad u adag in la saadaalin karo in xulka qaranka England ay u soo baxayaan xidigo ay ka mid yihiin Jamie Vardy , Trent Alexander-Arnold iyo goolhaye  Jordan Pickford oo sabab u ahaa in xulkiisu uu soo dhaafay Colombia.

Si kastaba ha ahaatee, afar sano kadib saadaashan waxay jamaahiirta xulka qaranka England ku raaxaysanayaan xaaladii ugu fiicnayd ee koobka aduunka tan iyo sanadkii 2006 kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.